CABDULLE RAAGE Taraawiil W/Q: Abwaan Cabdi Muxumud Amiin


10ka Abriil 2000.
Aniga markii iigu horreysay ee aan arko Allaha unaxariistee Abwaan Cabdulle Taraawiil waxay ahayd muddo haatan laga joogo 40 sano ayadoo Raadiyo Muqdisho imtixaan looga qaadayay asaga iyo rag kale oo suugaanyahanno ahaa. Wuxuu xirnaa maalintaa dharka iyo hiddaha iyo dhaqanka ee ragga miyigu qaato. Wuxuu sitay seef galkeeda ugu jirtay. Runtii wuxuu u e kaa magac awoowgii ee “Darwiish”.
Cabdulle Raage wuxuu ka mid noqday fannaaniintii la oran jiray Raadiyo Muqdisho, wuxuuna ka mid noqday dadka aadka loo jecel yahay suugaantooda, gaar ahaan wuxuu caan ku ahaa Guurowga oo lahaa dhageystayaal badan. Markii la dhisay Golihii Murtida iyo Madadaalada (Tiyaatarka) ee la bilaabay in riwaayado dadka loogu dhigo, riwaayadahaas oo aan ahayn kuwii sanooyinkii danbe la sameeyey, balse ahaa kuwo dadka waxbarid looga faa’iideysanayo, Cabdulle Raage wuxuu noqday nin laga yaabay kartidiisa faneed ee xagga jilniinkaa asagoo markaas ka hor masraxa istaagin, wuxuu ka mid noqday dadka loogu jecel yahay masraxa. Ruwaayaddii uu ku jirana aan loo kala harin.
Jilitaanku wuxuu leeyahay qeybo kala duwan, waxaa jira dadku wanaagsan hal nooc oo keliya, Cabdulle wuxuu jilaa dhinac walba ku fiican. Wuxuu aad ugu fiicnaa qeybta majaajilada iyo qeybta diidmadaa (Mucaaradka) iyo jilidda ficillada dambiga ku ah bulshada ee la rabo in bulshada loo sheego si ay uga digtoonaadaan. Tusaale Riwaayaddii Shabbeel-naagood magaciisa ayay ahayd wuxuu u taagnaa oo uu tusaale u ahaa dhaqan-xumo waagaa jirtay oo ahayd in gabdhaha si fudud loo sharaf dilo, (Ulama jeedo inaysan maanta jirin oo maanta ayay ka sii xun tahay boqol jeer, balse waagaas waa laga xumaa, waana laga hadli jiray) Cabdulle ayaana kaalinteeda weyn qaatay Alle haka abaal mariyo.
“Maad dhankaa u kacdaan, Qorraxdu ay u dhacayso,
Ama dhankaa u kacdaan, Ay ka soo dhalanayso,
Dhexda xaa idin kaa taagay, Dhuulku haydin liqee”.
Sadaradaas suugaaneed waxay ku jireen riwaayad aynu dhignay 1964-tii maalinta xorriyadda ee 1-da Luulyo, dowladda ayaa loo dhigayay falsafadda ka dambeysay ujeeddada sadaradaas waxay ahayd, “Hadda ayaan xorownay, dalku dhismo ayuu u baahan yahay”. Maahmaah Soomaaliyeed baa tiraa, “Ama buur ahow ama buur ku tiirsanow”. Dunida labo xoog baa ka jira waa Bari iyo Galbeed ee aan mid ku tiirsanno.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa cabdulle Raage iyo abwaannadii ka horreeyeyba geeridoodu waa khasaare weyn oo Qaranka Soomaaliyeed soo gaaray, haddaan ahaan lahayn dadka ilbaxa ah ee qiimeeya hiddaha iyo dhaqankooda, ama macnaha suugaanta dadkaasoo kale markay geeriyoodaan calanka ayaa hoos loo dhigaa, maxaa yeelay wax la xusuusto oo aan duugoobeyn ayay dadkooda uga tageen, kaasoo da’iba da’da ka dambeysa u sii gudbineyso, halkan waxaan ku aragnay ereyo kooban oo cabdulle 40 sano mar laga joogo uu yiri, waana taa qiimaha abwaanku meesha ku jirto. Waa dhaqan side daacad ah.
Aan soo qaadann mid ka mid gabayadii uu tiriyey Allaha u naxariistee Cabdulle Raage, gabaygaas oo uu ugu magacdaray (Astaan Qaran) oo aniguna aan ku tilmaami karo (Dardaarankii Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil), waana kan sadarro ka mid ah:
  • Asluub iyo haddaan sharafi jirin, aaminna xumaaday
  • Aadaabtiyo xishoodkii, haddii lagu ugaaroobay
  • Aargoosi reer hebel, haddii laysu aaneeyay
  • Ee ruux aan eed gelin, rasaas lagu asqeysiiyey
  • Afdabeed ninkaan wadan, haddii aqalka loo dhaafay
  • Afadiyo haddi laysu maray, inan wixii joogay
  • Waanadii akhyaartiyo wacdigay, culimadii oogtay
  • Ilaahay xaquu faray, haddii la ag mareen dhaafnay
  • Maxaan gabayga ugu oomayaa, ma aqbalayaane.

 

  • Astaan Qaran Midnimo waa, inay ka ambaqaaddaaye
  • Asbaab dowladeed waa, shacbigaa urursanaantiisa
  • Israac waxaad ku weydaan, khilaaf ku arki meysaane
  • Gobonnimo sifaha loo unko, ee lagu adkeeyaahu
  • Isaaq iyo Hawiyaha ma aha, iyo Irir iyo Daaroode
  • Aqoonyahanka wax u soo bartiyo, ogaha taariikhda
  • Odayaasha xeer-beegtigiyo, geed ka arrinshaaga
  • Kan abuurka beeraha, xilliga aad u garanaaya
  • Agaasimaha xoolaha jira, ee lagu ammaanaayo
  • Waa inay afkaar iyo, xikmado kala ammaahdaane
  • Akhris kii ku roon iyo, midkay orod bidaayaanba
  • Ujeeddadu Alle iyo hoortii, waa inay ahaataaye
  • Istaatistikada tirade guud, xoogga adduunka
  • Kan Ameerikaa sida la yiri, ugu awood weyne
  • Kontonkaa Isteyt qeybintay, dhib u arkaayaane
  • Afartaan milyani doonayaan, wayla amakaag.
W/D:- Bilaal Qaasim Fiqi (Aar)

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*