Madaxweyne Farmaajo Ma Noqon Doonaa Mas’uulkii Ugu Dambeeyey Ee Qurba Joogta Ee Xil Dalka Ka Qabta [Warbixin Xasaasi Ah]


Marka hore waxaan ka cudo-daaranayaa qurba joogta Soomaaliyeed oo abaal badan dalka iyo dadka ku leh, dhibaatada uu dalka ku jiro iyo badbaadadiisana kaalin weyn ka ciyaaray naf badanna hantidooda ku badbaadiyay, lacagta ay dibadda ka soo diraanna dadbadan oo dalka gudihiisa jooga ay ku nool yihiin oo ay badbaado u yihiin.


Laankiin; dhanka siyaasadda dalka iyo xasillintiisa waxaad mooddaa iney ku fashilmeen, laga soo bilaabo dowladdii Carta illaa maanta khilaafkii siyaasadeed ee dalka iyo Ra’isul-wasaarayaashii tirada badnaa waxey salka ku haysay is faham darro habka fikirka oo u dhaxeysay inta badan madaxweyne Qaran joog ah oo Ra’iisul-wasaare Qurba joog ah oo dhanka fikirka ku kala duwan, markii muddo la wada joogo oo la arko inaan la wada socon karin ayaa lakala tagayaa, mudadii la filayay in ummadda wax loo qabto halkaas ayey ku dayacmi jirtay oo qof kasta oo siyaasadda dalka la socday wuu og yahay arrin faahfaahin badan u baahan maaha.

Dhanka Baarlamaanka

Golaha aqalka sare iyo kan Shacabka aan hadda haysanno waa kuwii ugu khilaafka yaraa iskuguna tanaasulka badnaa, weli gole baarlamaan horey ugama aaney dhicin in xildhibaanno mooshin keenay ay u tanaasulaan danta shacabka, tanaasulkaa xooggiisa waxaa sameeyay dhalinyarada qaran joogga ah ee baarlamaanka ku badan oo saameyn badan ku yeeshay tiradii yar ee qurba- joogta ah ee baalmaanka ka tirsan, tusaale ahaan; mudanayaasha golaha Shacabka 105 xildhibaan oo ka mid ah 275 xildhibaan ayaa ah qurba-joog waa saami gaarsiisan 38%.

Fikirka Siyaasiga Qurba-joogga ah

Siyaasiga qurba joogga ah waxaa hubaal ah inuu ka garaad duwan yahay kan dalka ku sugan ee si dhab ah u og baahiyaha dalka iyo halka ay dhibaatadu ka jirto, siyaasiga qurba joogta ah waxa uu had iyo jeer ka fakaa sida uu ku ilaalin lahaa hotellada iyo goobaha dowaladda oo dadka ka shaqeeya ee xilalaka sarsare ka hayaa ay u badan yihiin qurba-joog u badan yihiin, ma arkaysid iyagoo si dhab ah iskaga xil saaraya baahiyaha dadka oo doonaya in duruufta haysta uu la qeybsado shacabka, arrintaas oo bulshada ka fogaado una muuqdo sidii hay’ad ajinabi ah oo boobeysa kheyraadka dalka, cid shacabkii ka tirsan oo la danqaneysaa ma jirto oo dadka qalbigooda si lagu kasbadaa waa in adeeg loo qabto oo dowladnimo waxey tahay la baro, dadka shacabka ah marka ay arkaan waddooyinkii oo xiran, dad nolol maalmeedkii la tacaalaya ay yihiin, siyaasiga qurba-joogta ah ma dareensana dhibaatada dadka haysta, waxaaba uu u haystaa iney guriga iska fadhiyaan iney u fiican tahay malaa kuma bararugsana inaaney dadkani wax cayr ah qaadan!.

Markii ugu horreysay ee Ra’iisul-wasaare Khayre uu qabtay xilka, ayaa khudbadihiisii ugu horreeyay ee sigaagi ahaa waxaa ka buuxay erayo u badan Qaranka Soomaaliyeed iyo dhalinyaradu waa iney dalka dhisto, Ra’iisul-wasaaruhu waxaa dhici karta inuu u haysto in erayadaasi ay yihiin kuwo waddaniyad ah oo dhallinyaro badan soo jiidaneysa, laakiin xaqiiqda erayadaasi uma aaney cuntameyn dhalinayrada qaarkood, maadama ay horey u ogaayeen in dalka uu dalkoodii yahay iyagana uu sugayo, laakiin waxey u baahnaayeen khudbadaha macaan in waxqabad loo bedelo oo shaqo abuur loo sameeyo, wacyigelinna lagu jiheeyo, mid ka mid dhalinyaradaa oo da’diisu ahayd ilaa 23 jir, ayaa ii sheegay in xikmadda hadaladda madaxda qurba-joogta ah in loo baahan yahay iney wax badan ka bedelaan si ay quluubta dadka u gaaraan.


Marka aan u soo noqdo dhanka cinwaanka waxey igula muuqataa siyaasadda dalka in qurba-joogta Soomaalida laga joojiyo, Dastuuraddii hore ee dalkeena Soomaaliya waxaa aad u adkaa xitaa qofka Soomaaliga ah in uu isku qaato labo dhalasho, sida ku qoran xeerka dhalasha ee dastuurkii 1962-dii ee lagu dhaqmo, qofka waxaa uu muwaadin yahay marka aabihii uu Soomaali yahay, ha degenaado gudaha ama dibadda dalka laakiin aan heysan dhalasho kale ama iska celiya dhalashada dalka kale, maadama aaney laabi labo u qeybsamin, runtii xikmaddaasi hadda ayey soo baxday waa haddii ay Soomaali ku cibro qaadaneyso, maadama wadadii qurba-joogta lagu fashilmay.

Dhanka Madaxweyne Farmaajo ,’Waddan uu qalalaaso iyo dagaal uu qeyrkii ka reebay, haddii aad xil u qaaddo, adigaa qarax doonte is-qabooji walaal’ abwaan Dhiirane. runtii dadku waxbadan ayey ka filayeen madaxweynaha waxey is lahaayeen waa kii ugu habboonaa ee dalka hoggaamin lahaa, laakiin waxaa muuqata inuu ku fashilmay, shakhsiyad ahaan madaxweynuhu waa qof wanaagsan, laakiin garaadka uu wato ee qurba-joognimo ayaa u muuqda mid dalkan ku fashilmay.

Marka dowlad laga hadlayo waa in hoggaanka sare ee dalka uu la yimado mashruuc dhammeystiran oo dhinacyo badna oo cid walbaa ay maslaxadeeda ka dhex aragto si wadajir ahna loo wada ilaashado, madaxweynuhu waxa uu ka bixi waayay inuu qeyb ka mid ah bulshada daciifiyo oo uu u istaago sidii uu xididada ugu siibi lahaa, dhaqdhaqaana waxa uu ka bilaabay siyaasiyiiin maamul goboleedyada ee habka hoggaankiisa dhaliilsanaa oo uu waqti badan ku bixiyay sidii uu kaalintooda u wiiqi lahaa ama uu saaxadda siyaasadda uga saari lahaa. teeda kale waxa uu hortabintiisa ka dhigtay arrimaha ammaanka sida caadada ah oo madaxweynayaashii ka horreeysay ay sameyn jireen, waddo horey loogu soo guuleystay maaha; waa sax, in arrimaha ammaanku uu dalka muhiim u yahay, laakiin waxaa ka horreeya in dadku ay ka qeyb noqdaan ilaalinta ammaanka oo la tuso qiimaha dowladnimada, maxaa yeelay; ammaan aanuu shacabku ilaashaneyn ama uu khatar u arko inaanuu hirgaleyn.

Madaxweynaha waxaa u dhammaatay labo sanno, waxa kaliya ee u qabsoomayay ee uu ku faani karo waa khilaaf la’aanta isaga iyo Kheyrre.

Ammaankii weli waa sidiisii oo wadadii Makka al-Mukara ayaa xal loo la’yahay wax kale iska daaye, fashil taa ka weyn ma jiro, labada sanno ee hadda hartay waa diyaar garow doorasho iyo ciddii bedeli lahayd oo la baadi goobo.

Si kastaba, run ahaan dalkani haddii la rabo inuu dago waxaa loo baahan yahay fikir ka duwan kii hore si loo helo natiijo ka duwan tan aan maanta gacanta ku haynno, waa in la tijaabiyo siyaasiyiinta gudaha dalka mudada dheer joogay ee dabeecadda dadka fahamsan si ay ummadda ugu hoggaamiyaan rabitaankooda, shacabka qalbigoodana ay u hantaan, si shacabkuna ay ammaankooda u wada ilaashadaan oo cid kasta oo dhibaato u geysaneysa ay iskaga qabtaan.

 

 

Afeef Qoraalkani kama tarjumayo www.ceelbarafonline,com Balse waxaa fikirkiisa ku dabaqay oo diyaariyey: Khadar Xuseen

kala Xariir gulet70@hotmail.com

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*