Ciidamada Amniga Oo Gacanta Ku Dhigay Miinooyin, Iyo Bambooyin


Ciidamada Amniga ayaa caawa howlgal qorsheysan ku galay guri ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, halkaasoo lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa, bambooyin iyo bastoolado.


Howlgalkan ayaa waxaa fuliyay ciidamada sida gaarka u tababaran, waxaana la sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin la sheegay inuu ka mid ahaa Al-Shabaab.


Qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in ninka la soo qabtay uu ahaa dhagar qabe doonayay inuu shacabka dhibaateeyo.

” Ciidanka Amniga ayaa howlgal ay ka fuliyeen “Ceelasha Biyaha” kusoo qabtay caawa, dhagarqabe gurigiisa kuhayey walxa qarxa, si shacabka loogu dhibaateeyo, walxaahas oo kala ah 10 Miinada gawaarida lagu dhajiyo 10 Mobile, Bastoolado iyo 8 Bambo F1″ayaa lagu yiri qoraalka NISA ee la soo dhigay barta Twitter-ka.

Muddooyinkii u dambeeyay Ciidamada ammaanka ayaa howlgalo ka waday magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana la xiray waddooyin badan oo muhiim u ah isu socodka magaalada, waxaana dadweynaha ay isugu kala gudbaan qaab lug ah, iyadoo la diiday gawaarida inay ka soo gudubto Wadada Wadnaha.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*