Madaxweyne Waare Oo Ku Baaqay in Wadahadal lagala yeesho Itoobiya wabiga Shabelle


Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu baaqay dowlada federalka Soomaaliya inay soo farogeliso arrimaha biyo la’aanta wabiga Shabelle ee xilliyada deyrtii.


Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay abuurka bariis cusub oo ay shirkad la magac baxday Danwadaag ku soo bandhigtey magaalada Jowhar ayaa ka hadlay biyo la’aanta ka jirta biyaha wabig Shabelle oo mara saddexda gobol Hiiraan,Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in si loo gaaro qorshaha la doonayo in lagu hormariyo tacabka bariiska oo biyo joogta ah u baahan in dowlada federalka ay soo farogeliso biyaha wabiga Shabelle.

“Waxaan ugu baaqayaa Dowlada Federalka inay wadahadal rasmi ah oo wax ku ool ah kala yeelato dowlada Itoobiya maareynta biyaha wabiga Shabelle sida sharciga caalamiga ah uu qabo in dowlada soomaaliya iyo beealayda soomaaliyeed ay ka helaan qeybta ay xaqa ugu leeyihiin.”


Wabiga Shabelle ayaa dhowrkii sano ugu dambeysay waxaa ka jirey biyo la’aan xilliga jiilaalka iyadoo beeralay badan ay qasaare ka soo gaarto biyo la’aanta wabiga.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*