FIIRSO:Haweeney indhaheeda Laga Soo Saaray Cayayaan nool


Haweeney indhaheeda laga soo saaray cayayaan nool

Haweeney u dhalatay dalka Taiwan ayaa dhakhaatiirta dalkaas waxay ka heleen afar xabbo oo shinni ah oo ku dhex nool indhaheeda, waa dhacdadii ugu horraysay ee nooceeda ah oo ka dhacday Jasiiraddaas.

Haweeneydaas oo 28 jir ah, oo lagu magacaabaay Ms He, ayaa guraysay cawska ka baxa meelaha aan loo baahnayn markii cayayaankaas ay indhaha ka galeen.
Hong Chi Ting oo katirsan cisbitaalka jaamacadda Fooyin sheegay in uu argagaxay markii uu haweenaydaas kasoo saaray cayayaankaas oo dherer ahaan ah 4mm.

Haweeneydaas oo lagu magacaabo Ms He ayaa haatan laga saaray cisbitaalka waxaana la filayaa in ay si buuxda u caafimaaddo.

Shinnidaas oo sidoo kale loo yaqaan Halictidae, ayaa waxay jeceshahay waxyaabaha macmacaanka ah mararka qaarna waxay dusha ka fuushaa dadka si ay dhididkooda u dhuuqdo.
Waxay sidoo kale cabtaa ilmada dadka si ay uga hesho protein, sida lagu sheegay daraasad lagu soo bandhigay wargayska Kansas Entomological Society.
Dhamaantood way noolaayeen
Ms He ayaa caws ka jaraysay agagaarka qabriga qof qaraabadeeda ah markii cayayaankaas uu isha bidix ka galay.
Waxay booqasho ku tagtay qabrigaas xilli uu socday xuska shiinaha ee Qing Ming, kaas oo lagu hagaajiyo laguna qurxiyo qabriyada.


Warfidiyeenada ayay u sheegtay in ay u malaynaysay in isha uu ka galay qashin ay dabayshu kusoo tuurtay.
Hase ahaaatee, saacado kadib indhihii ayaa bararay ayadoo xanuun la joogi wayday, arrintaas oo ku khasabtay in ay caawinaad ka dalbato cisbitaal kuyaal Koonfurta Taiwan.


Ma aysan awoodin in ay indhaha isku qabato, waxaan ku eegay shaybaar waxaana ku arkay wax madoow oo u eg cayayaan lugtiis ayuu yiri Dr Hong, oo warbaahinta u waramayey.

Waxaan qabtay lugta, aayar ayaana u soo jiiday, haddana waxaan arkay mid kale, mar kale Ayaan arkay mid kale. Dhammaantood waxay ahaayeen cayayaan nool nool.
Sawirrada shinnida ayaa lagusoo bandhigay TV-ga Taiwan.

Dr Hong ayaa intaas ku daray in dabayl xooggan ay sababtay in shinnidu ay gasho isheeda oo markaas ay gudaha ku xayirmatay.

Xigasho bbc

 

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*