Koox Dhalin yaro ah Oo kufsi iyo dil isugu daray haweeney xaamilo aheyd oo Garowe lagu xiray


Ciidanka Ammaanka ee  Maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay Koox dhalinyaro ah oo kufsi ka geystay Magaalada Garoowe.


Raggan la soo xiray ayaa lagu eedeeyay inay kufsadeen Haweenay Uur leh ka dibna ay dileen, waxaana dhacdadaan ay dareen caro leh ku kicisay shacabka ku nool Magaalada Garowe oo si weyn uga argagaxay.

Saacaddaha soo socda ayaa lagu waddaa in raggaan ay soo bandhiggaan Ciidanka Maamulka Puntland sida ay sheegeen masuuliyiinta Magaalada.


Kufsiga ayaa bilihii ugu dambeeyay ku soo kordhay Magaalooyinka maamulka Puntland waxaana ay arimahan cabsi iyo argagax ku abuureen haweenka ku nool degaanadaas.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*