Madaxweynaha Jubbaland Oo Maanta Xilka Qaadis Sameeyay


Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa waxaa xilkii looga qaaday lataliyihiisa dhanka Arrimaha siyaasadda.


Mas’uulka xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha Jubbaland ahaana lataliyihiisa Arrimaha siyaasadda ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdi Cali Raage.


Wareegtada uu soo saaray Axmed Madoobe  waxaa Hay’adaha amniga Jubbaland lagu wargeliyay in xilkii laga qaaday Cabdi Cali Raage,isla markaana wixii Maanta ka bilowda uusan matali karin dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*