Dhaqaatiir ajaaniib ah oo laga afduubtay Mandhera, lana dilay ilaaladoodii


Wararka ka imanaya magaalada Mandhera ee gobolka Waqoyi Bari Kenya ayaa sheegaya in koox hubeysan ay saaka ka afduubteen magaaladaas labo dhakhtar oo u dhalatay dalka Cuba.

Kooxda afduubatay dhakhaatiirta ayaa la sheegay inay dileen ilaaladii dhakhaatiirta kahor inta aysan afduuban.

Labadan dhakhtar ayaa qayb ka ahaa, mashruuc ay dawladda Kenya dhakaatiir ajnabi ah uga keensatay dalka Cuba.


Warar ayaa sheegaya in dhakhaatiirta loo tallaabiyay dhanka Soomaalya, Balse lama oga ujeedka ka dambeysa afduubka dhakhaatiirtan.

Ammaanka gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa soo wanaagsananayay bilihii la soo dhaafay,hase yeeshee waxaa hore ugaga dhici jirey weeraro ay ka geystaan kooxda Al-Shabaab.


Booliska Kenya ayaa wada howlgalo balaaran oo lagu baadi goobayo dhaqaatiirta la afduubtay kaasoo ka socda degaanada ku teedsan xadka Somalia iyo Kenya.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*