Iska Hormaad Ciidanka Dowlada Oo Ka Dhacay Muqdisho


Israsaaseyn xooggan  oo u dhaxeysay  Ciidamo milateri ah iyo booliis ayaa goor dhow ka dhacday Isgoyska maanaboolyo ee magaalada Muqdisho.

Sidda ay Wararka ay Xaqiijinayaan  dadka degaanka Ciidanka Milatariga ayaa loo diiday in ay maraan wadada, Maadaama ay ka yimaadeen gobolka  Sh/Dhexe

Ciidanka Booliska ayaa la sheegay in ay u sheegeen in lagu amray in aysan soo gudbin wax Ciidan, islamarkaana aysan Amar u heysan in ay siidaayaan, Waxaana taasi ka biyadiiday Ciidanka Milatariga.


Iska horimaad xooggan ayaa dhexmaray labadda dhinac, waxaana uu Ciidanka Milatariga ay ka yimaadeen degmada Balcad.


Warar ka qaar ayaa sheegaya in uu gubanayo mid kamid ah gaadiidkii dagaalamayay.

Waxaa jira khasaare Dhimasho iyo dhaawac balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*