Qarax Khasaare Geeystay Oo Ka dhacay Kismaayo Iyo Ciidamada Jubbaland Oo Howlgalo ka wada


Wararka Laga Helaayo  magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa uu halkaasi ka dhacay Qarax.


Sidda ay  xaqiijiyeen dadka degaanka Bambo gacmeed ayaa lagu weeraray Maqaayad ku taalla Bartamaha Magaalada  Kismaayo.

Inta la xaqiijiyay 3 ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi kuwaasoo ku sugnaa Maqaayadd Bambadda lagu tuuray.


Dhanka kale Waxaa Goobta Garay Ciidanka Maamulka Jubbland waxaana ay ka bilaabeen howlgallo Ciidan ayagoo Radinaya Kooxihii Geeystay Dhibka.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*