WAR DEG DEG:-Hogaamiyihii Afgambiga Suudaan Oo Goordhow Is Casilay


Madaxa golaha milateriga ee Suudan ayaa xilka baneeyay maalin un kaddib markii afgambi xilka loogaga tuuray madaxweynihii mudada dheer dalkaas maamuli jiray ee Cumar Xasan al-Bashiir.


Wasiirka Gaashaandhigga Cawad ibnu Cowf ayaa go’aankiisa waxa uu kaga dhawaaqay taleefishinka qaranka


Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa kaddib markii dibadbaxayaashu ay diideen inay isaga tagaan waddooyinka iyagoo sheegay in hogaamiyayaasha afgambigu ay aad ugu dhaw yihiin Mr Bashiir.

Milateriga ayaa waxa uu ku adkaystay inuusan doonayn inuu awoodda la wareego, mustaqbalka Suudaanna ay go’aan ka gaari doonaan dibadbaxayaasha.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*