Dhaqanka Mudullod Oo Sheegay “Shirweyne looga hadlayo arrimaha Gobolka Banaadir ayaa qabaneyna


Imaamka Beelaha Muddulood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa iclaamiyay shirweyne looga hadlayo arrimaha Gobolka Banaadir iyo dhibaatooyinka ka jira, isagoo ugu baaqay shacabka in ay is dejiyaan, kaddib banaan baxyadii rabshadaha watay ee maanta ka dhacay Muqdisho.


Imaam Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inay yihiin shacabka odayaashooda, ayna ka damqanayaan dhibaatada soo gaartay, waxaana uu ugu baaqay dowladda in ay u dhimreyso shacabka.

Waxaa uu ku baaqay in askarigii falka dilka geystay Maxkamad la soo taago, si sharciga loo horkeeno.

Sikastaba Ha ahaatee Lama oga nuuca uu noqon doono shirweynahan, iyadoo dadka reer Muqdisho aysan xilligan laheyn matalaad gaar ah iyo maamul ay soo doortan. Magaalada Muqdisho ayaa Ku Nool In kabadan Sedex Milyan Oo Muwaadiniin Somaliyeed ah.

Odayaasha

Duubabka Dhaqanka Ayaa ka hadlay Dhacdooyinka Maanta ka dhacay Muqdisho.

Geplaatst door Universal Somali TV op Zaterdag 13 april 2019

 


 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*