Jen:Bashiir Oo Sheegay in la Xeray Kuwii Ka Danbeeyay Isku Dhacyada Ciidan


Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in falalkii u dambeeyay ee Ciidamo ka tirsan dowladda isku rasaaseeyeen meelo ka mid ah Muqdisho loo xiray saraakiil iyo askar.

 

Jen. Bashiir oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in hey’adaha amniga ay xabsiga dhigeen saraakiil iyo askar la tuhunsan yahay inay ku lug laheyd falalkii shalay iyo doraad ka dhacay magaalada Muqdisho


“Falal Ciidamada isku rasaaseeyeen meelo ka mid ah Muqdisho, waxay hey’adaha amniga u xireen saraakiil iyo askar lagu tuhunsan yahay falalkii shalay iyo doraad dhacay”ayuu yiri Jen. Bashiir.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sharciga lala tiigsan doono askarigii ka hor-yimaada hannaanka sugid amniga, isla markaana aan loo dulqaadan doonin.


Taliyaha Booliska ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta dowladda qaadi doonaan wixii hada ka dambeeya ee dhib uu geysto askariga ilaalada u ah.

Ciidamo ka tirsan Milateriga iyo kuwa Booliska ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay is rasaaseyn ku dhex maray magaalada Muqdisho, kaasoo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*