Maxaa Keenay in uu Baaqdo Shirkii Madaxweyne Farmaajo Iyo Mamulada Dalka?


Maanta oo Jimco ah kuna beegan 19/4/2019 ayaa qorshuhu ahaa in uu Magalada Muqdisho ka furmo shir u dhaxeeya Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada, hayeeshee shirkaasi uu baaqday.


Sababaha ugu weyn ee shirkaais u baaqday ayaa waxaa ka mid ah in ay diideen qaar ka mid ah Madaxda Maamul goboleedyada, sigaar ah Maamulada puntland iyo Galmudug,waxaana maamulada qaar ay shirkaasi ku xireen shuruud adag.


Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Jubbaland ayaa haatan ku sugan Magalda Nairobi ee dalka Kenya,waxaana ku biiri doona Madaxweynaha Maamulka Puntland,iyaga oo halkaasi shir kula qaadan doona Madax ka socota Beesha Caalamka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Madaxda Maamul goboleedyada ay kasoo horjeestaan shir uu iclaamiyey Madaxweyne Farmaajo,hadaba maxaa keenay arrintaas waxaa ka hadlaya Siyaasi Maxamed Cumar Geedi oo mar ka mid ahaa Baarlamaankii Sagaalaad.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*