Lamaane xabsi daa’im loogu xukumay ‘tacaddiyo’ ay carruurtooda u gaysteen


Lamaane ku nool gobolka California ee waddanka Mareykanka ayaa xabsi daa’im loogu xukumay inay gaajo iyo jirdil u gaysteen 12 ka mid ah 13 carruur ah oo ay dhaleen.

David iyo Louise Turpin ayaa la xiray Janaayo 2018 xilligaas oo gabadhooda 17-jirka ah ay ka baxsatay gurigooda oo ku yaal magaalada Perris markaas oo ay booliska wargalisay.

Carruurta ayaa waxaa tacaddiyo loo gaysanayay ugu yaraan sagaal sanadood oo qaarkood waxaaba la helay iyagoo jeebaysan kuna nool xaalad aad u liidata.


Hasayeeshee dhowr carruur ah ayaa u maxkamadda u sheegay inay waalidiintood cafiyeen.

Lamaanahan ayaa la filayaa in inta ka dhiman noloshooda ay ku dhameysan doonaan xabsiga, haddii aanan lagu cafin muddo 25 sanadood gudahood ah.

Lamaanaha Turpins ayaa ilmeeyay markii ay afar carruur ah oo ah dhaleen ka maqleen saameynta bayaankooda mar Jimcihii la dhageysanayay dacwadda.

Canug yar ayaa ka sheekeeyay dhibaatada ku habsatay.

Kalmado kuma qeexi karno wixii aynu soo marnay intii aannu soo koraynay,” ayuu ku sheegay bayaankiisa.

“Mararka qaar waxaan ku qarwaa waxyaabihii nagu dhacay sida in la katiinadeeyay walaalahay oo la garaacay.

“Taasi waa waxa aan soo marnay balse hadda waan sheekaynaynaaba.

“Waan jeclahay waalindiintey waanan ka cafiyay dhammaan waxyaabihii ay nagu sameeyeen.”

Canug kale ayaa bayaan uu qoray oo uu walaalkeed akhriyay, waxa ay sidoo kale waalidiinteed kaga cafisay tacaddiyadii ay u gaysteen.

“Labadeyda waalidba waan jeclahay,” ayey tiri.

“Walow aanay inoo soo korin sidii ugu wanaagsaneyd, haddana waan ku faraxsanahay in waxa ay nagu sameeyeen aan ku noqday qofka aan maanta ahay.”

Hasayeeshee dhammaan carruurtu ma aanay wada qanacsanayn.

Gabadh jaraynaysay ayaa tiri: “Waalidiintay noloshaydii oo dhan bay la tageen balse hadda ayaan dib ula soo laabtay noloshaydii.

“Waxaan ahay dagaalyahan, waxaan ahay qof adag noloshana waan ka soo dhalaalayaa.”

Waxa ay intaasi ku dartay: “Waxaan arkay aabahay oo hooyaday badaley. Anigana waa ay I badeli rabeen, hasayeeshee waxaan ogaaday waxa soconayay.”


 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*