Guddiga Amniga Jubbaland Oo Amaro Adag Soo Saaray


Waxaa Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose kulan ku yeshay Guddiga  amniga dowlad goboleedka Jubbaland  waxa ay kaga hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen adkeynta amniga, xoojinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo diyaar garoowga Bisha barakeysan ee Ramadaan.


Guddiga Amniga ayaa waxaa ay soo saareen amaro la xiriira Gawaarida aan sharciga laheyn,sida sharciga lahaanshaha, taarikada warqada wada marsiinta iyo qodobo Kale.


Afhayeenka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen ayaa warbaahinta u sharaxay amarada kasoo abxay guddiga amniga dowlad Goboleedka Jubbaland, isaga oo digniin u diray darawalada Gaadiidleyda ka howlgalla Magalada Kismaaayo.

Sidoo kale gudiga amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyey in inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan ee maalmo qura inaga xigaan la adkeyn doono amniga magaalooyinka waaweyn ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*