September 16, 2019

Arsenal Oo Ku Soo Biirtay Dagaalka Loogu Jiro Daafaca 60ka Milyan Harry Maguire


Harry Maguire ayay lagu wadaa inuu kulankiisii ugu danbeeyay u ciyaaro Leicester City Axada ka hor inta uusan qeyb ka noqonin dagaal suuqa kala iibsiga oo afar geesood ah iyadoo xiddigaan lagu qiimeeyo 60 milyan ginni.

Kulanka ay Leicester la ciyaareyso Chelsea Axada ayaa noqon kara kulankii ugu danbeeyay ee 26 jirkaan ee kooxda iyadoo afar kooxood oo Premier League ah ay ku tartamayaan saxiixiisa.

Manchester United, Tottenham, Arsenal iyo haddii ay ku guuleystaan racfaanka maxkamada sarre Chelsea ayaa dhamaantood doonaya daafacaan.


Waxa lagu iibsan doonaa lacag rikoor u noqoneysa daafac British ah taasoo ku qasbi doonta Leicester inay iska iibiso.


United ayaa si weyn u dooneysay daafacaan xagaagii la soo dhaafay ka dib markii uu wacdarro ka dhigay Koobkii Adduunka

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*