Dil Ka Dhacay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Muqdisho


Wararka ayaa Sheegaya in  Kooxo hubeysan oo xalay gudaha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ku dilay Nin shacaba ahaa.


Dad goobjoogayaal ah ayaa  sheegay in dilka uu ka dhacay Isgoyska Boondheere dhinca wadada soo aada Taalada Daljirka Daahsoon,isla markaana loo geystay Ninka salaadii taraawiix,kadib xili uu halkaasi ku sugnaa.

Sidoo kale warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in Ninkaas lagu magacaabi jiray Allaha u naxriistee Cali Maxamed,waxaana goobta uu falka ka dhacay Meydkiisa ka qaaday dad shacab ah oo xiligaas goobta ka Agdhawaa.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Ninlkaas ahaa Shaqaalo ka tirsan Wasaaradda amniga Soomaaliya,inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin kari.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa halkaasi tegay,isla markaana sida caadada aheyd ka sameeyay howlgal,iyagoo kusoo qabtay dad looga shakiyay in ka dambeeyeen falkaas.


Dilkii xalay ka dhacay gudaha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa noqonayaa kii ugu horeeyay ka dhaca Magaalada Muqdisho tan iyo markii laguda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*