Taliyihii Ciidanka xasilinta Gaalkacyo oo u geeriyooday dhaawicii loo geystay


Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ugu geeriyooday dhaawicii xalay Magaaladaas loogu geystay taliyihii Ciidanka isku-dhafka ah ee Xasilinta ee loo sameeyey Magalada gaalkacyo.


Dhamme Khaliif Nuur Shiil ayaa xalay xilli uu kasoo baxay Masaajid uu kusoo dukaday Salaada Taraawiixda ay kooxo hubeysan dhaawaceen,iyaga oo goobta ka baxsaday,sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Magalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay xaqiijiyeen geerida taliyihii ciidanka xasilinta ee Magalada Gaalkacyo,kaas oo lagu daweynayey mid ka mid ah Isbitaalada Magalada Gaalkacyo.


Ciidamada xasilinta Magalada Gaalkacyo ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay wadeen howlgallo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilka taliyihii ciidanka xasilinta ee Magalada Gaalkacyo wallow ilaa iyo hadda aysan jirin dad ay u soo qabteen.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*