Xildhaan Somaliland Oo Xabsiga Loo Taxaabay Kadib Markuu Yiri”18May Waa Maalin Ugaar ah Jabhada SNM”


Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sharci daro ku tilmaamey xariga Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ku xiran magaalada Hargeysa.


Xildhibaan Dhakool ayaa habeeno ka hor gurigiisa oo kuyaala magaalada Hargeysa waxaa soo xiray Ciidamada Booliiska Soomaaliland, ka dib markii uu maalinta 18ka May ku tilmaamay maalin ugaar ah Jabhadii SNM, taasi oo ka careysiisay xukuumadda Soomaaliland.

Gudoomiye Baashe oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in Xildhibaanka uu mudanyahay xukun balse aan loo marin sifo sharci ah, sidoo kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in maxkamadd lasoo taagay Xildhibaanka oo xasaanad leh taasina aysan sharci aheyn.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in shalay ay Ciidamada Booliisku u diideen in uu xabsiga ku booqdo Xildhibaanka si uu wax uga ogaado xaaladda uu ku suganyahay, taasina waxa uu sheegay in ay tahay caburin ka jirta deegaanada Soomaaliland.


Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa shalay isaga oo Gacmadaha ka xiran waxaa la horgeeyey Maxkamad, hayeeshee Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka maroodi-jeex uu diiday in uu furo gal dacwadeedka eedaha loo haysto xildhibaanka, isagoo ku sababeeyay in Xildhibaanku uu xasaanad leeyahay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*