AKHRISO: Muxuu Ka Hadlayaa War Murtiyeedka ay Soo Saareen Maamulada Puntland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle?


Madaxda Maamulada Puntland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle oo xalay shir gaar ah ku yeeshay magaalada Garowe ayaa ku dhawaaqay iskaashi iyo xiriir dhex mara, iyagoo soo saaray war murtiyeed wadajir ah


Iskaashiga cusub ee dhex maraya saddexda maamul goboleed ayaa ku soo aaday, markii uu fashilmay Shirkii Wadatashiga ee u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

War murtiyeed ka kooban illaa 7 qodob ayay soo saareen Maamuladan saddexda ah, iyadoo si wadajir ah u taageeray War murtiyeedkii Wasiirada Maaliyadda dowlad goboleedyada kaga soo horjeesteen Xeerka Canshuuraha dalka ee uu Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Horgeeyay Baarlamaanka.

Si kastaba Ha ahaatee Canshuurta laga qaado shacabka somaliyeed ayaan dib loogu celi meelaha qaar sida Canshuurta ay dowlada dhexe ka qaadato Dekada Muqdisho Iyo Garoonka ,


Sidoo kale Maamulada Dalka  Ka Dhisan Sida Hirshabelle Iyo Konfur galbeed ayaan Dib ugu Celin Canshuurta ay ka qadaan Wadooyinka Iyo Suuqyada ay Maamulan Waxaana uu Yahay Dhaqankooda in ay Shacabka Ka qaadaan Canshuur kaliya Oo aan dib Loogu Celin Waxaana ay sida Badan Ku dhacaan Gacanta Madaxda  Waana Nasiib Daro Weeyn Oo Ka Heeysato Dhinaca Maamulka Iyo Maareeynta,

Halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka:

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*