Buundada deegaanka Ceel-Gaal ee Gobalka Hiiraan Oo Go’day Ka dib Roobab Xoogan Oo Ka Da’ ay


Wararka ka imaanaya  Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ay go’day Buundada deegaanka Ceel-gaal oo ka mid ah deegaanada hoostaga Magaalada Baladweyne ee Gobalkaasi.

Sababta ay u go’day Buundadan ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay, kadib markii xalay  uu Roobka Guga oo daadad wata uu ka da’ay deegaanada Waqooyi Bari ee Gobolka Hiiraan, iyadoona la tilmaamay daadadkaasi ay keeneen inay Go’do Buundada deegaanka Ceel-Gaal ee Gobalka Hiiraan, sida uu soo sheegayo wariyaha  Gobalka Hiiraan Cusmaan Aadan Careys.


Dadka Deegaanka ayaa  u sheegeen in Buundada ay ka go’day bartamaha iyo halka ay gaadiidku maraan, taasoo keentay in ay biyo si xowlaha ku soconaya ay dulmaraan guud ahaanba Buundadaasi.

Ma jirto ilaa iyo hada cid ku dhimatay daadadkan, hayeeshee waxaa jira in dadka deegaanka Ceel-gaal ay bilaabeen  in ay ka barakacaan tuulooyinka ka agdhow deegaankaasi,iyagoo ka cabsi qaba inuu sameyn ku yeesho daadadka Roobka.


Buundada Ceel-Gaal ayaa Ahmiyad weyn waxaa ay u aheyd isku-socodka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha gobollada Koonfureed iyo Waqooyiga Soomaaliya.

Maamulka Gobalka Hiiraan ilaa iyo hada kama hadlin Buundada Go’day iyo saameynta uu reebay daadadka Roobka.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*