Qaraxii ismiidaaminta ee lagu weeraray Xarunta degmada Warta Nabada Muqdisho


Warbixino ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo maanta barqadii ka dhacay xarunta degmada Warta nabada, iyadoo qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan laga maqlay magaalada Muqdisho oo dhan.


Qaraxa ayaa ahaa gaari kuwa raaxada ah ee loo yaqaano Noha, kaasoo lagu dhiftay afaafka hore ee xarunta degmada, waxaana ka dhashay burbur aad u xooggan.

Wararka ayaa sheegaya in dhimashada ay gaareyso ugu yaraan labo ruux iyo dhaawac kale, inkastoo aan la heyn faah faahin rasmi ah.


Xoghayaha degmada Warta nabada Cali Aadan Warsame ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa xarunta degmada Warta nabada ka socday raashin qeybin dadka masaakiinta ah, inkastoo maanta xilliga qaraxa uu dhacayay aysan goobta ka socon wax raashin qeybin ah.

Xarunta Degmada Warta nabada ayaa ku dhow Aqalka Madaxtooyada, waxaa bishii hore xaruntaas booqday Madaxweyne Farmaajo oo kula hadlayay shacabka deegaanka, iyadoo la xusuusto inuu xilligaas inuu hanjabaad u jeediyay dadka rabshadaha wada.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*