Ciyaartoyda Liverpool ee finalka Champions League oo la shaaciyey


Liiska ciyaartoyda Liverpool ee nalka Champions League ka qayb gali doonta ayuu Jurgen Klopp ku dhawaaqay xili ay Reds u duushay dalka Spain oo ay kulanka Tottenham ugu diyaar garoobi doonaan.


Liverpool ayaa daabacday liiska 26 ciyaartoy oo u safray dalka Spain halkaas oo ay ku qaadan doonaan lixda maalmood ee soo socota si ay ugu diyaar garoobaan nalka UEFA Champions league.


Ciyaartoyda iyo shaqaalaha Liverpool ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha John Lennon Airport waxayna ka digi doonaan xeebta Andalusia si ay cimilada diiran ee Spain tababarka ugu qaataan.

Hoos Ka Akhriso liiska Ciyaartoyda Liverpool ee finalka Champions League

Alexander-Arnold, Alisson, Brewster, Fabinho, Firmino, Gomez, Henderson, Jones, Keita, Kelleher, Lallana, Lovren, Mane, Matip, Mignolet, Milner, Moreno, Origi, Oxlade-Chamberlain, Robertson, Salah, Shaqiri, Sturridge, Van Dijk, Wijnaldum, Woodburn.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*