October 19, 2019

laacibka 29-sano Xavi oo ciyaaraha isaga fariistay


Qabiirka qadka dhexe mudo kasoo ciyaaray una soo ciyaaray kooxda Barcelona iyo xulka Spain ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay mudo 29-sano kadib in uu gabi ahaanba isaga fariistay ciyaarista kubada cagta.

Xavi ayaa sanadihii dambe u ciyaarayay kooxda Al Sadd wuxuuna u saftay  82kulan  21-gool ayuuna u dhaliyay ugu dambeyn iyada ayuu kuso gaba-gabeeyay ciyaarista kubada cagta oo uu ku jiray ku dhawaad 29-sano.

Xavi Barcelona waxa uu kula guulaystay 25 koob waxana uu si sharaf leh uga tagay kooxda kadib markii uu kula guulaystay champions League 2015.

Khabiirka ayaa sheegay in uu shaqada tababaranimo ka bilaabi doono isla dalka Qatar oo uu haatan ciyaaraha kaga fariistay kooxda Al Sadd kulankii xalay ee kooxdiisu guuldaradu soo gaartay kadib ayuu ku dhawaaqay in uu isaga fariistay ciyaaraha.

Hadaba waa tan Taariikhda Xavi oo kooban.

Magaciisa oo buuxa waa Xavier Hernández Creus.


Waxaa uu dhasahay 25 January 1980  waana 39-jir.

Wuxuuna ku dhashay Magaalada Terrassa ee dalka Spain.

Dhirirkiisu  waa 1.70 m (5 ft 7 in).

Waxa uu ka ciyaara qadka dhexe.

 Waayihiisa ciyaareed.


1997 ilaa 1999   wuxuu u ciyaarayay kooxda Barcelona B 55-kulan ayuu u saftay wuxuuna u dhaliyay 3-gool.

1998 ilaa 2015   wuxuu u ciyaarayay Barcelona waa weynka 505-kulan ayuu u saftay 58-gool ayuuna u dhaliyay.

2015 ilaa 2019   wuxuu u ciyaaray kooxda Al Sadda wuxuu u saftay 82     21-gool ayuuna u dhaliyay.

Xulkiisa Spain wuxuu u ciyaarayay 2000 illa 2014   wuxuuna u saftay 133-kulan        13-gool ayuuna u dhaliyay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*