September 16, 2019

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo dilay Darawal Mooto Bajaaj


Wararka ka imanaya duleedka magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in duhurnimadii manta uu askari ka tirsan Ciidanka dowladda ku dilay deegaanka Weydoow Wiil dhalinyaro ahaa oo watay Mooto Bajaaj.
Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Warsame, ayaa u geeriyooday rasaas uu madaxa kala dhacay askari saarnaa gaari Cabdi Bile ah oo ku sii jeeda dhinaca Siinka Dheer, wuxuuna marxuumka watay Mooto daba scotay gaariga ay Ciidanka saarnaayeen.


Qof kamid ah dadkii ku sugnaa aagga uu dilka ka dhacay ayaa inoo sheegay in toogashada kadib ay goobta isaga dhaqaaqeen Ciidamadii dilka geystay, iyagoo aan wax gurmad ah u sameyn ninka ay dileen.

Ehelada ninka dhintay ayaa meydkiisa u soo qaaday magaalada Muqdisho, waxeyna keeneen xarunta barista danbiyada ee C.I.D, halkaas oo Sawirran looga qaado dadka la dilo.


Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya, ayaa maalmihii u danbeeyay kordhiyay dilalka ay u geystaan dhalinyarada jaxeysa Mootooyinka Bajaajta, waxaana Bishii Ramadaan kaliya Muqdisho lagu dilay Saddex dhalinyaro oo Mooto Bajaaj wadatay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*