Dowlada Qatar oo heshay qeybtii u horeysay ee Diyaaradaha dagaalka Rafale ee Faransiiska


Dowladda Qatar ayaa soo gaartay qeybtii u horeysay ee diyaaradaha dagaalka Rafale ee uu sameeyo Faransiiska, waxaana lagu soo bandhigay magaalada Doha.

Illaa Shan diyaaradood oo ah nooca Rafale ee uu sameeyay Faransiiska ayaa ka degay magaalada Doxa, taasoo lagu qalabaneynayo Ciidamada cirka ee Qatar.

Diyaaradahan ayaa horay loogu wareejiyay Qatar, balse waxay yaalleen dalka Faransiiska oo loogu tababarayay duuliyeyaal.


Munaasabad lagu soo dhoweynayay Diyaaradan ayaa ka dhacday Doxa, iyadoo loo tababaray Duuliyeyaal ud hashay Qatar.

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al Thani iyo Wasiirka Gaashaandhigga ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu soo bandhigayay diyaaradaha Rafale.


Qatar ayaa waxaa weli saaran cunaqabateynta ay ku soo rogeen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn, kaddib markii sanadkii 2017 ay xiriirka u jareen.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*