Duqa Muqdisho Oo Dhagax Dhigay Waddo Ka dhaxeeysa Laba Degmo


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisoow) ayaa dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xirta isgoysyada Siinaay iyo Baar-Ayaan ee degmooyinka Warta-nabadda iyo Yaaqshiid.

Guddoomiyaha oo ka warbixiyey dadaalka Maamulka Gobolku ay ugu jiraan horumarinta caasimadda iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha ayaa uga mahadceliyey bulshada degmooyinka Warta-nabada iyo Yaaqshiid sida ay kaalintooda uga qaadanayaan hirgelinta waddadan oo muhiim u ah isusocodka iyo ganacsiga degmooyinkaas.


Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay Ingineerrada ku hawllan dhisidda waddadan in ay hirgeliyaan laami dhaxal gal ah oo adkeysi u leh biyaha roobka, isla markaasna lagula xisaabtamayo dhismaha jidadka oo ah hanti guud ah.

Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Warta-nabadda iyo Yaaqshiid ayaa bogaadiyey hirgelinta waddadan, iyagoona uga baaqay bulshada degmooyinkaas in ay la shaqeeyaan injineerrada hawshan wada, si is-xilqaan ahna ay uga qeyb qaataan hawlaha kale ee la xiriira bilicda iyo horumarinta.

Dhanka kale, Duqa Caasimadda ayaa u kuur galay xaaladda amni iyo ganacsi ee bulshada degmooyinkaas, isagoo qaar ka mid ah goobahaas kula kulmay dhallinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.


Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay howlaha mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayay magaalada, iyadoo mudadii uu xilka hayay Guddoomiye Yariisow la hirgeliyay illaa sideed waddo oo laami la saaray.

Si kastaba Ha ahaatee waa wadadii ugu horeeysay uu dhagax dhiga tan iyo markii loo dhiibay Xilka duqa muqdsho Lama Garanayo in uu sii wadi doono dhismaha wadooyinka muqdisho iyo in ay tahay kaliya Dhinaca sawirada,

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*