September 16, 2019

Yuusuf Dabageed”Aniga Xil Kama Dagayo Maxaa Yeelay Sharci ayaan Ku Jogaa Cidii Dacwo Ka Qabto ,,,,,,,,


Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Yuusuf Dabageed) ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadistii uu Madaxweynaha Hirshabeelle uu ku sameeyay, isagoo ugu baaqay dowladda Federaalka inay soo farageliso arrinta ka taagan Gobolka Hiiraan.

Guddomiye Yuusuf Dabageed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa sheegay in qodobka 58aad ee Dastuurka Hirshabeelle uu dhigayo in Madaxweynaha oo dalka ka maqan uusan waxna bedeli karin, waxna magacaabi karin.

“Qodobka 58aad ee Dastuurka Hirshabeelle, Madaxweynaha awooddiisa wuu tilmaamaa wuxuu sheegayaa, haddii dalka ka maqan yahay, wuxuu bedeli karo ama magacaabi karo ma jiro”ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo intaa ku daray in Madaxweyne Waare uu ku sugan yahay magaalada Nairobi.

Waxaa uu sheegay in Hirshabeelle ay noqotay meel ay labo qof u sareyso, isagoo xusay in Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ay dhibaatooyin ka wadaan Gobolka Hiiraan.


Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlaawe u amar soo siiyay Ciidamada, si isaga loo xiro, isagoo xusay in aanu xirin, isla markaana uu sharci qaban karo oo kaliya.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay inta dowladda Federaalka faragelin ka soo sameyneyso aysan dadka Hiiraan wax wada shaqeyn iyo xiriir ah la sameyn doonin Maamulka Hirshabeelle.

“Aniga waxaa meesha ku imid talada dowladda Federaalka, illaa dowladda Soomaaliyeed faragelin ka soo sameyneyso arrinta Gobolka Hiiraan, wax wada shaqeyn iyo xiriir ay la sameynayaan ma jirto dadka reer Hiiraan”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.


Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu xilka uga qaaday Yuusuf Dabageed oo bilo ka hor uu u magacaabay xilkaas.

Si kastaba Ha ahaatee Dadka Reer Hirshabelle ayaa aaminsan Labada Madaxweeyne ee Hirshabelle in ay la dageen Degaanada Hirshabelle , Madaxweeyne Waare Iyo Madaxweyne Ku xigenka Cali Guudlawe Waa Madax ah kaligood Taliyaal Mana doonayaan wax aan ayaga  ka amar qaadaneeynin in ay xilka qabtaan waxaana ugu wacan Ma doonayaa in lala xisaabtamo waa rag ku qeeybsada dhaqaalaha hirshablle Ceeyrinka sida ay sheegeen shacabka iyo qaar ka tirsan mas,uuliyiinta hirshabelle,

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*