September 16, 2019

Madaxda Maamul goboleedyada”Shir ayaan Ku qabanaynaa Nairobi Waxaan Cabasho u Gudbinaynaa Beesha Calamka”


Warar lahelayo ayaa sheegagaya in Madaxda qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada ay shir ku yeelanayaan magaalada Nairobi, iyagoo la kulmi doona Wakiilada Beesha Caalamka.

Sida wararku sheegayaan Madaxweynayaasha Jubbaland, Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug ayaa shir isugu imaanaya, waxaana la filayaa in si wadajir ah ay mowqifkooda ku aadan xaalada dalka u gudbiyaan Beesha Caalamka.


Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa ku sugan magaalada Nairobi, halka la filayo inay gaaraan waqtiyada soo socdo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka imaan doona Imaaraadka Carabta, halka Madaxweynaha Galmudug oo ku sugan Dhuusamareeb uu maanta ama berri ka tagi doono.

Sido kale Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la filayaa in markii u horeysay uu ku biirio shirarka Madaxda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, kaddib markii sanad ka hor uu ka baxay Golihii Iskaashiga maamul goboleedyada.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Madaxda Maamul goboleedyada ay ka dalban doonaa Wakiilada Beesha Caalamka in la sameeyo qorshe Road Map ah oo dalka lagu gaarsiiyo sanadka 2020, sidoo kale waxay taageeri doonaan qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.


Si kastaba Ha ahaatee Madaxda Qaranka ayaan u Muuqan Kuwa Wax ka qabanayo cabashada Madaxda maamulada Dalka Balse u Taagan kuwa in ay dumiyaan Maamulada dalka ka dhisan Dadka qaar ayaa shegaya Hadii aysan dumin karin waxa ay ku sameenayaa Cunaqabateen dhinaca dhaqaaalaha Maadaama la aqoonsan yahay dowlada dhexe Taasi oo beesha caalamka ay deeqaha u sii mariso gargaarka la siinayo maamulada dalka ,

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu natiijo la’aan ku dhamaaday Shirkii Wadatashiga ahaa ee u dhaxeeyay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaddib todobaad la fadhiyay magaalada Garowe.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*