R/Wasaare Kheyre oo la kulmay wafdigii Mrs. Marie Eriksen


Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Norway Ine Eriksen Soreide ayaa  booqasho  magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Wasiirada ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana kulan ku yeeshay gudaha Garoonka.

Wasiirka arrimaha dibadda Norway ayaa soo dhawaynta kadib, waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre.


Kulanka labada dhinac ayay uga hadleen xoojinta xiriirka labada dal, Iskaashiga iyo arrimaha muhiimadda gaarka u ah hoggaamiyeyaasha labada dal.


Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood.

Ine Marie Eriksen Søreide oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celisay soo dhawaynta loo sameeyay, ayaa ammaantay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ku tillaabsatay, isbedellada iyo dib-u-habeynta ballaaran ee ay dawladda Soomaaliya ka waddo hay’adaha dowladda si dalku u gaaro dib-u-kabasho dhamays-tiran.

Dowlada Norway ayaa ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya Booqashadeeda ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Norway ay xilligan saameyn ku leedahay arrimaha shidaalka Soomaaliya, isla markaana dhowaan la ansixiyay Sharciga Batroolka oo muran badan ka taagan yahay, kaddib markii ay diideen maamul goboleedyada.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*