September 16, 2019

Madaxa Galmudug Oo Beeniyay in uu Khilaaf Soo Kala Dhex Galay


 Madaxa xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan  ayaa beeniyay in khilaaf u soo kala dhax galay madaxda ugu sareysa Galmudug xilli maalmihi ugu dambeysay ay soo baxayeen warar sheegayay in uu khilaaf soo gala dhex galay Madaxweyne Xaaf iyo Madaxdii Ahlusunna ee Galmudug ku biiray


Waxaa uu xusay in warkaas uu yahay mid been abuur ah islamrkaana ay faafiyeen sida uu hadalka u dhigay Dad ka soo horjeeda midnimada Galmudug.

Waxaa sheegay in ay la xisaabtami doonaan cidii ka dambeysay faafinta Warkaasi Beenta ah.


Sheekh Maxamed  Shaakir ayaa tilmaamay hadda ay tahay markii ugu horeysay oo ay si wada jir ah u wada shaqeyaan hogaanka Galmudug lagana soo gudbay wixii khilaaf ah.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*