September 16, 2019

Maxay Kawada Hadleen Guudiga Amniga Caasimada Muqdisho?


Shirka Amniga Caasimadda Muqdisho oo xalay la qabtay ayaa lagu qiimeeyay xaalada guud ee magaalada, iyadoo kulanka uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiinta dhinaca amniga iyo saraakiisha ciidamada, waxaana lagu falan-qeeyay arrimaha ammaanka iyo tallaabooyinkii la qaaday.


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay go’aamiyeen in dib u eegis lagu sameeyo Qorshaha sugida amniga Caasimadda Taasi Oo Xerneed Muddo ka badan Halsano Wadooyinka Muqdisho dhexdeeda ,

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in kormeer iyo dabal joogta ah oo muddo socday ay ku qiimeeyeen xaalada amniga Muqdisho.


Si kastaba Ha ahaatee Ciidamada amniga ayaa kordhiyay howlgalada lagu sugayo amniga, iyadoo xiray waddooyin dhowr ah, inkastoo odayaasha dhaqanka ay walaac ka muujiyeen xirnaanshaha waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho Balse Shacab Badan Iyo Waxgarad ayaa Aminsan in aysan sidaan Nabad ku imaan karin in waddo la xero Madaxda qarankana ay Hal meel kuwada nooladaan, ayadoo aan la fiirineenin Xilka ay ummada u Hayaan .

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*