September 16, 2019

SAWIRO:Maxay Kawada Hadleen Madaxweyne Xaaf Iyo Wafdi ka socday QM ?Kulankii Magaalada Dhusamareeb


Warbixino laga Helayo  Magalaada Dhusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya  Wafdi ka tiran QM oo isugu jira madax iyo farsamo-yaqaano ayaa manta gaaray.

Socdaalkooda ayaa la xiriiray sahminta goobta loo diyaarinayo iney dagaan hay’adaha QM oo dhawaan si rasmi uga furan doona Magaalada Dhusamareeb.

Ugu danbeyntii wafdigu waxay xarunta Magadaxtooyada kulan isfaham ku soo dhamaaday kula qaateen Madaxweyne Xaaf , Iyo Madaxda kale ee Mamulka Galmudug Waxaana Garoonka ka soo sagootiyay madaxda galmudug.

Si kastaba Ha ahaatee Madaxweyne Xaaf ayaa Galaangal ugu jira sidii uu Beesha Caalamka uga dhadhicin lahaa Cadaadiska ay dowlada Madaxweyne Farmaajo Iyo R/Wasare kheyre ku hayaan Madaxda Mamulka Galmudug Waxaana ay ka soo horjeedaan Horumarka laga donayo in uu ka hana qaado dhamaan deegaanada galmudug .

 



Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*