September 16, 2019

Wabiga Shabelle Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Kusoo Fataho Magaalada Jowhar


Warbixinada laga Helayo Beeraleyda ku dhaqan magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in ay cabsi ka qaba in Wabiga Shabelle uu ku soo fataho Beeraha magaaladaasi.


Cabsida waxaa keentay biyaha Wabiga oo si xooggan ku socda, waxaana bilowday carro tuur ay sameynayaan dadka beeraleyda ah.

Mid ka Mid ah Beeraleeyda Magaalada Jowhar ayaa  sheegay  in dadaal xooggan ay wadaan, laakiinse ay ka baqayaan in biyaha ay kasoo dul boodaan carro tuurka ay wadaan Maadaama aan la heysan Qalabka lagu tuuro Carrada Sida Baalo iyo Baldoosarada.

Sidoo kale, Waxa uu  sheegay gurmadkan ay wadaan oo kaliya dadka shacabka ah, oo aanay jirin cid maamulka Sh/dhexe ah oo ka qeybqaadanaya carro tuurkan.


Wabiga Shabelle oo biyo badan keenay ayaa ku fatahay deegaanno qiyaastii 3-km u jira magaalada Jowhar ee Shabellaha Dhexe.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*