Xeer Ilaaliyaha Hirshabelle “Waa In La soo xiraa Yuusuf Dabageed”


Amar ka soo baxay Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cabdulaahi Maxamuud Gacal ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed”

Qoraal ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa lagu shaaciyay in loo haysto Yuusuf Dabageed illaa toban dambi oo ay ka mid yihiin ku xadgudub dastuurka Hirshabelle,abaabulid dagaal sokeeye,kutumasho astaan dowlad goboleed iyo mid qarameed iyo qaar kale.


Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo dhowaan uu xilkii ka qaaday Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuusan aqbalayn xilka qaadista.


Si kastaba Ha ahaate lama garanayo in uu u hogaansamayo sharciga uu soo saray xeer ilaaliyaha balse Guddome Dabageed ayaa ah nin aan la dhayalsan karin waa hadii la damco in awood lagu maquuniyo inkastoo dadka qaar ay aminsan yihiin in si ka duwan awod ciidan in loo maro  Guddomiye Yusug dabageed.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*