Dowlada Soomaaliya oo ka soo horjeesatay go’aanka ay Kenya ku ilaalineyso xeebaha Soomaaliya


Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si  ka soo horjeesatay go’aanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ay ug doorteen Kenya si ay u hoggaamiso la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaaliya.


Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan u hoggaansameyn go’aan kooxda xiriirka Soomaaliya ay Kenya ugu doorteen in ay noqoto guddoomiyaha labada sano ee soo socota ee la dagaalanka Burcad Badeedda Soomaaliya.


“Ma jiro hadda burcad badeed lala dagaalamo waxaana labada dal Soomaaliya iyo Kenya ka dhexeeya xurguf dhinaca Badda ah.”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in Ururka Xiriirka Soomaaliya ee la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaaliya ay dhamaatay howshiisa isaga oo guuleystay sida uu hadalkau dhigay.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Axmed Ciise oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka war sugeyso go’aanka Maxkamadda ICJ ee xukunka la xiriira inta ka horreysana aysan tallaabooyin dheeraad ah qaadeyn.

Waxaa uu sheegay in wax xiriir ah aysan la lahayn go’aanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ay ku doorteen Kenya iyo damaca Kenya ee la xiriira biyaha Soomaaliya.

Wasiirku waxaa uu beeniyay in Ciidamo Kenyaan ah ay ilaalinayaan Biyaha Soomaaliya,waxaana uu sheegay in Ciidamo isku dhaf ah oo ka socda Ururka ay yihiin cidda shaqada qabaneysa.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*