October 19, 2019

PROF:Yaxye Caamir:”In Guinea xiriirka loo jaro waa mid ay ku deg-degtay Dowlada Soomaaliya”


Prof: Yaxye Caamir X.Ibraahim oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed oo ka hadlay xiriirka ay dowlada federalka Soomaaliya u jartay dalka Guinea ayaa ku tilmaamay inay tahaymid lagu degdegay.

Yaxye Caamir ayaa sheegay in dalka Guinea uu ka mid ahaa wadamada ay dowladii Soomaaliya hore u caawin jirtey uuna ku yaal geeska Galbeed ee qaarada Afrika.


Sidoo kale Prof Yaxye ayaa sheegay in tallaabadan ay qaaday dowlada Soomaaliya ay dib u dhac u keeneyso wadahadaladii lala lahaa Maamulka Somaliland.

“Somaliland waxa ay u arkaysaa talaaabadan ay qaaday dowlada Soomaaliya mid lagu colaadinayo taasna waxa ay dhibaato ku tahay wadahadaladii u socday dowlada Soomaaliya iyo Maamulka  Soomaaliya.”ayuu yiri Proff Caamir.


Wareysi uu siiyay aqoonyahankan taleefishinka Dalsan ayuu ugaga hadlay  qaabka ay dowlada Soomaaliya go’aanka ugaga gaartay dowlada Guinea.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*