October 19, 2019

Askari Ka Tirsan Ciidanka dowladda oo Bajaajle ku dilay Magaalada Muqdisho


Wararka ka imanaya degmada Howlwadaag  Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya uu wiil Bajaajle ahaa ku dilay halkaas.


Dilka ayaa ka dhacay Waddada u dhaxeeysa Isgoysyada Bakaaraha iyo Dabka ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay Askarta ku dileen Wiilka.


Goobjooge ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa  sheegay  in askar saaran Mooto Bajaaj ay rasaas ku fureen Wiilka Bajaajlaha ah.

Wiilka Bajaajlaha ah ayaa u dhintay rasaasta,waxaana halkaas ku xoomay dadka degaanka iyo Bajaajleyda mara waddada uu shilka ka dhacay.

Dhallinyarada ku shaqeysta Bajaajta ayaa dhowr jeer dilal noocan ah kala kulmay Ciidamada dowladda waxaana inta badan baxsada Askarta dilka geysata.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*