October 19, 2019

Gaadiid iyo Ciidamo uu watay Hoggaamiyihii Burcadbadeeda oo la weeraray


Wararka Laga helayo deganada Galmudug ayaa Sheegaya In Dableey  hubeysan ay Jidka u galeen Baabuur  uu la socday Maxamed Gafaanje oo ka mid ahaan jiray Hoggaamiyeyaashii Burcad badeed iyo ilaaladiisa degaanka Gawaan oo 30 Km u jirta degmada Hobyo gobolka Mudug.


Inta la xaqiijiyey 3 ka mid ah ilaalada Hogaamiye Gafaanje ayaa ku dhintay, waxaana dhaawac soo gaaray Maxamed Gafaanje iyo mid ka mid ah ilaaladiisa.


Maamulka degmada Hobyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadaan, waxaana la sheegay in Kooxda weerarka geystay ay kasoo jeeddaan degaanka.

Ciidamada Ammaanka degmada Hobyo ayaa ku baxay goobta, waxaana dhaawaca la geeyey isbitaalka Gawaan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*