FIIRSO:Gabar Soo Xiratay Dharka Ragga Oo Lagu Soo Bandhigay Gaalkacyo


Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa lagu qabtay gabar in muddo ah iska dhigeysay inay Nin tahay sida  uu shaaciyay Taliska Booliska Gobolka Mudug.


Maxamed Nuur Cali oo ah Taliyaha Booliska G/Mudug oo warbaahinta kula hadlay
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada amniga ay gacanta kusoo
dhigeen gabar in muddo ah iska dhigeysay inay Nin tahay,isla markaana Dumar badan ula shaqeyn jirtay qaab Nin ahaan ah.
Sidoo kale Taliye Maxamed ayaa tilmaamay in gabadhaas oo lagu magacaabo Deeqo
Cabdullaahi Aadan xiliga la soo qabanayay ay gacanta ku wadatay Bastoolad,iyadoo haatan
ay baaritaano kala duwan ku hayaan laamaha amniga.Si kastaba ha ahaate markii ay dowlada dhexe somaliya mesha ka baxday waxaa soo badanay qabdhaqmeedka Xun .


 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*