October 19, 2019

FIIRSO:Madaxweynaha Maamulka Somaliland Oo Weerar Afka Ku qaaday Dowlada Federalka


Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta dib ugu laabtay magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu eedeyn kulul u jeediyay Dowlada Federalka isagoo ku eedeeyay go’ankii Dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dowladda Gini xilli uu safar ku joogay dalkaas

Muuse Biixi Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa si weyn loogu soo dhoweeyay dalka Guinea.

“Runtii warka kasoo yeeray dowladda Soomaaliya waa mid leyska yiri,dowladda Xamar ee AMISOMta ilaaliso,waxaana leeyahay annaga ma nihin Maamul Goboleed,wadamo badan ayaan tageynaa kuwo kalena horay ayaan u tagnay”ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.


Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Somaliland aysan marnaba u dulqaadan doonin qorsha ay wado dowladda Soomaaliya isla markaana tallaaba kasto ay qaadeyso.

Dowlada Federalka ayaa ku dhawaaqday in xiriirkii ay u jartay dowlada Guinea kadib markii uu booqasho uu ku tegey Madaxweynaha Somaliland loona soo dhoweeyay sidii Madaxweyne dal madaxbanaan mas’uul ka ah.


TV CEELBARAF

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Oo Weerar afka ku qaaday Dowlada Federalka

Geplaatst door TV Ceelbaraf op Zondag 7 juli 2019

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*