Muwaadin Soomaali ah oo lagu diley Koofur Afrika


Warar ka imanaya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in burcad Koofur Afrikaan ah ay xalay fiidkii dalka Koofur Afrika ku dileen muwaaddin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Cali Saqiir.

Dilka ayaa ka dhacay degaanka Naas ee Gobolka Mpumalanga,ee dalka Koofur Afrika iyadoo ay wararku sheegayaan in la diey wiilkan dhalinyarada ah isagoo ku sii jeeda masjid aan ka fogeyn  dukaan uu ka shaqeynayay.


Allaha u naxariistee Xuseen Cali Saqiir waxa uu ka mid ahaa dhalinyaro ka tagtay magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabelle kuwaasoo ganacsi u tegey dalka Koofur Afria,


Xuseen Cali Saqiir oo loo yiqiin Seyga waxa uu kamid ahaa dhalinyarada ku caanka ahaa ciyaarta kubbada cagta isagoo ka mid noqday xulka kubbada cagta ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Dalka Koofur Afrika ayaa waxaa ku badan dilalka loo geysto Soomaalida,waxaana sidoo kale lagu beegsadaa dadka ajaanibtaa ah ee guud ahaan ka shaqeysta dalka Koofur Afrika.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*