Wariye Coldoon Oo Xukun Lagu Riday Maanta


Maanta oo isniin ah ayaa  Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ee Magalada Hargeysa Soomaaliland waxaa ay Maanta  Go’aan ka gaartay  kiiska dacwadda ah ee loo heystay Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

Wariye Coldoon ayaa dhawaan Xeer ilaalinta Soomaaliland waxaa ay ku eedeysay in uu ku kacay falal ka hor-imaanaya qaranimada Soomaliland iyo in uu Dugsiga Abaarso ku tilmaamay mid lagu barto waxyaabo ka baxsan Diinta Islaamka.


Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ee Magalada Hargeysa ayaa oo Maanta la horkeenay Wariyaha,waxaana ay ku xukuntay saddex sano iyo lix bilood oo xabsi ah,sida uu sheegay guddoomiyaha Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ee Magalada Hargeysa.


Wariye Cabdi Maalik coldoon ayaa dhowr bilood u xiran Soomaaliland,waxaana xarigiisa uu yahay mid soo lab laabtay, iyada oo Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo ay hadda ka hor ku xukuntay Xabsi lix bilood ah wallow markii dambe cafis Madaxweyne lagu siidaayay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*