Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland “R/Wasaare Kheyre Waa Nin aan Garaneenyn Xilka uu Hayo Darajadiisa”


Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya in uu diiday hab-maamuuskii iyo soo dhaweyntii ay u diyaarisay Puntland xilli uu shalay galab booqday waqooyiga magaalada Gaalkacyo.


Maxamed C/Raxmaan Dhabana-cad ayaa waxaa uu sheegay in isaga iyo wasiiro kale ay Garowe uga tageen sidii Ra’isal wasaaraha ugu soo dhaweyn lahaayeen Gaalkacyo qeybteeda Waqooyi.


Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in R/Wasaare Kheyre uu u dhaqmay si mas’uuliyad darro ku jirto uuna ka doortay soo dhoweyntii ay ugu talogaleen inuu dhex galo dhalinyaro.

Wasiir Dhabana-Cad ayaa xusay in Isimada iyo waxgaradkii ay u diyaariyeen soo dhaweynta Ra’isalwasaaraha ay ka raalli gelinayaan waxa Dhacay.Balse Waxa ay u muuqataa In uu u dhaqmayo Si aan Habooneen .

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo qeybteeda Koofureed,waxaana uu halkaas kula kulmayay Bulshada ku nool Magaaladaasi.

Si kastaba Ha ahaatee ujeedka R/Wasaare Kheeyre ayaa ah in uu Isbaro Dhalinyarada iyo Haweeynka .Dadka ka faalooda Siyaasada ayaa ku tilmaamay In uu Xifaltan Qarsoon Ka Wado Dhinaca Siyaasada .

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*