Iran Oo Qabatay Markab kale Oo Marayay Gacanka Khaliijka


Iran ayaa markab kale oo ajinabi ah ka qabsatay gacanka Cumaan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in ciidamada Ilaalada Kacaanka ee ay qabsadeen markab shidaal oo marayay gacanka Cumaan, kaas oo ay sheegeen in shidaal sharci darro ah u siday qaar ka mid ah dalalka Carabta.


Waxay sheegtay in markabka uu siday shidaal cadaddiisu gaarayso ilaa 700,000 oo litar, waxayna intaasi ku dartay in toddobo qof oo shaqaale ka ahaa markabkana la xiray.


Dhacdadaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xasaradda gacanka Carbeed.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*