Dableey hubeysan oo dil ka geystay Suuqa Bakaaraha


Dableey hubeysan ayaa maanta gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ku dishay wiil dhalinyaro ah, iyagoo markii dilka geysteen kaddib ay goobta ka baxsadeen.

Sida wararku sheegayaan, dilka ayaa si gaar ah uga dhacay meel ku dhaw halka lagu iibiyo qalabka Electronica qeybta loo yaqaano Suuqa Cabdalla Shideeyaha, waxaana la sheegay in dhowr xabadood marxuumka looga dhigtay qeybaha sare ee jirkiisa.

Qof ka mid ah dadkii ka agdhawaa halka toogashada ay ka dhacday ayaa sheegay in Wiilka la dilay uu ka mid ahaa dhalinyarada Suuqa Cabdalla Shideeyaha ku gada mobileda celiska ah, balse aysan garaneynin sababta ka danbeysa dilkiisa iyo waxa kale uu qaban jiray.


Laba dhalinyaro ah oo la sheegay iney dhar Shacab ah wadatay ayaa dilka kadib goobta isaga baxsatay, iyagoo rasaas kor ugu riday dadkii halkaasi ku sugnaa, wuxuuna mar kaliya suuqii mashquulka badnaa noqday meel haawaneysa oo lagu kala cararay.


Ciidamada Ammaanka ee Saldhigga degmada Howlwadaag ayaa sidii caadada eheydba tagay halka dilka uu ka dhacay, waxeyna ka soo qadaeen meydka marxuumka, iyagoo geeyay xarunta barista danbiyada ee C.I.D oo Sawirran looga qaado meydadka dadka lagu dilo Caasimadda.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*