Digniin: Xisbiyada Siyaasadda Oo uga digay dalalka deriska faragelinta doorashooyinka maamul goboleedyada


Xisbiyada siyaasadda ee dalka ee kala ah Wadajir, UPD, Himilo Qaran, Ilays, Xisbiga Nabadda Kutlada Badbaado Qaran ee Baarlamaanka ayaa war saxaafadeed ka soo saaray doorashada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

War saxaafadeedka ka soo baxay Xisbiyadan ayaa waxaa walaac looga muujiyay faragelin ay sheegeen in dowladda Federaalka ku heyso geeddi socodka howlaha doorashooyinka Jubbaland.


Sidoo kale Xisbiyadan ayaa uga digay dalalka deriska ah qaarkood inay faragelin ku sameeyaan doorashooyinka dowlad goboleedyada, iyagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan dhaq dhaqaaqyada abuuri kara fowdo, isla markaana aysan dhicin si la mid ah tii ka dhacday Baydhabo


Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*