Ciidanka Ahlusuna oo dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo qorshayaal cusub ka wada Dhuusamareeb


Ciidamadii Ahlusuna ee ku biiray Galmudug ayaa xalay illaa saaka dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayana inay kaga baxaan Heshiiskii ay galeen dowladda Federaalka ka wadaan magaalada Dhuusamareeb.

Sida wararku sheegayaan Ciidamadan oo aad u hubeysan ayaa lagu arkayay xaafadaha Dhuusamareeb, waxaana dadka deegaanka ay walaac ka muujiyeen dhaq dhaqaaqan cusub inuu dhaliyo isku dhac hubeysan horseedo  Xaalad Dagaal.

Wariyeyaal ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyada cusub ee Ahlusuna ka wado Dhuusamareeb uu la xiriiro sidii amniga guud ee magaalada iyo garoonka diyaaradaha ay dib ula wareegi lahaayeen.


Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada lagu arkay Dhuusamareeb ay yihiin kuwii Dhawaan la isku dhafay ee dowladda Federaalka ay sheegtay in la qarameeyay.


Amniga Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa waxaa Dhawaan  lagu wareejiyay Ciidamada Danab ee ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, sidoo kale dowladda Federaalka ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday in mas’uuliyadda amniga garoonka ay la wareegtay dowladda.

Dhinaca Kale 5-tii  bishan ayay aheyd markii qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir oo ka tirsan Hoggaanka Ahlusuna ayaa walaac lagu muujiyay dhaq dhaqaaqyo ay wado dowladda Federaalka, waxaana ay shaki geliyeen heshiiskii dowladda Federaalka ay la galeen, isla markaana dowladdu qaaday qorshayaal aanay isku ogeyn oo xadgudub iyo balan-ka bax ah ku ah heshiiska, iyadoo looga dalbaday dowladda Federaalka inay jawaab degdeg ah ka bixiyaan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*