September 16, 2019

XOG:Safiiro Magacaaban aan La Shaqo Gelin Iyo Safiiro Si Hoose Looga Magacaabo Xafiiska Madaxweyne Farmaajo


Tan Iyo Markii ay soo Ansixiyeen Gollaha Wasiirada Somaliya Danjirayaal Cusub Oo Gaarayay Shan ayaan Wali La Shaqa Gelin Hase ahaatee Waxaa Muuqata in ay Jiraan Wax is daba marin Sida Muuqata  ayadoo ay Jiraan in  Madaxweeyne Maxamed Farmaajo uu Safiiro Ka Magacaabayo Xafiiskiisa  ayadoo aan la soo Marsiin Shirka Gollaha Wasiirada .

 

Cadeeyn Sax:

Muqdisho, Khamiis, 23 May 2019 —Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya  uu Shir Guudoominayay R/Wasaare Xasan Cali Kheeyre ayaa darajada safiirnimo loogu dallacsiiyay, Hase Ahaatee Waa Magac u yaal

1)Muxidiin Maxamed Kaalmooy,  

2) Xasan Daahir Dhibil,

3)Xasan Xundubey Jimcaale,

4)Maxamed Isxaaq Ibraahim

5) Maxamed Cali Mire.

Magacaabistii Gollaha Wassirada Ka Dib:

 29/5/19; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkar in uu noqdo Danjiraha dalkeenna u qaabilsan dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudiga. Waxana ay Isku Beel Yihiin Madaxweeyne Farmaajo

Dhinaca Kale Waxaa Jiray In Safiir Loo Magacaabay Madaxweeyne Ku Xigeenkii Labaad ee Puntland C/xakiin C/llaahi Camey  Waxaana Lagu Bedelay Safiirkii Hore u Joogay Somaliya    dalka Itoobiya Cali Shariif Axmed oo isna loo wareejiyey inuu noqdo danjiraha cusub ee Somalia u fadhiya Magaalada Washington DC  ee dalka Maraykanka.


Danjire Cali Shariif ayaa buuxinaya booska danjiraha Somalia ee Maraykanka oo banaanaa in muddo ah markii danjirihii halkaas fadhiyey Axmed Ciise Cawad loo magacaabay Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia ku dhowaad sanad ka hor, xilkaasoo uu illaa hadda hayo. Labada Nin ee La isku Bedelay Waxaa ay isku beel Yihiin Madaxweeyne Farmaajo

Danjirahii ugu Danbeeyay 16/8/19 ;Danjiraha cusub ee soomaaliya u magaacawday dalka Hindia Ambassador Faaduma C/llahi Insaaniya ayaa gaartay magaalada New Delhi ee caasimada dalka Hindia, Dhamaantoodna Waxaa laga Soo Magacaabay Xafiiska Madaxweeynaha Somaliya Maxamed Farmaajo.

 

 Somali Waxa ay Ku Hishiiyeen:

Si kastaba Ha ahaatee Dadka Somaliyeed ayaa Ku Hishiiyay Nidaamka Awood qeybsiga ee Beelaha 5ta Qeeybood ah Balse Waxaa Muuqata in uu Hogaanka Dalka Madaxweeyne Maxamed Farmaajo uu Meelaha Ugu Dhaqaalaha Wanaagsan  uu  u Magacaabayo Dad ay Isku Reer Yihiin Halka Kuwa Kale uu u Magacaabayo Waddamo aan Sidaa Saameeyn Siyaasadeed ugu Laheeyn Dalka Soomaliya ,Sidoo Kale Waxaa Jiro Safiiro La Magacaabo Balse Aan La Shaqo galin , ayna ku jiraan Dhanka Keeydka ayagoo ah Magac u Yaal.

Ugu Danbeeyntii Madaxweeyne Maxamed Farmaajo ayaan Saxiixin Go,aankii Gollaha Wasiirada ay ku ansixiyeen Danjirayaasha Cusub uuna Shir guddominayay R/Wasaare Kheeyre  ,23/5/19


Cadaalad Daro: Madaxweeyne Maxamed Farmaajo  Halkii uu Ka Ansixin Lahaa Safiiradii La Magacaabay ayuu Maalmo Kadib Magacaabay Safiiro Asiga u gaar ah Oo aan Soo Marin Gollaha Wasiirada Somaliya, Halka qaarkoodna uu Horey ugu sii Kaxeeyay Wadankii uu u Magacaabay Sida Safiirka Sacuudiga u Jooga Somaliya, Cabdixakiim Xasan Ashkar  Waana Nasiib Daro Ka Jirta Dhanka Cadaalada  Waxaana  aad Moodaa in ay Ku Sii Xoogeeysanayaan  Dhanka Masuq-Maasuqa Waxaana Hormuud ka ah Hogaanka Sare Dalka Sida Madaxweeyne Maxamed Farmaajo. 

 

Fiiro Gaar ah :Qoraalkaan Kama Tarjumajo  Aragtida Warbaahinta Ceelbarafonline.com Waxa uu Gaar u Yahay Qofka Soo Qoray

W/QORAY

Liibaan Balcad

Balcad110@hotmail.com

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*